SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAGAAL KA DHACAY DAARFUUF.

CIIDAMADDA DAWLADDA SUUDAAN.

(SUDAN)-Tirada guud ee dadka ku dhintay dagaal u dhexeeyo qabiilo iska soo horjeedo galbeedka dalka Suudaan ayaa kor u kacday waxa eyna gaartay ilaa 12-qofood sida ey ku soo warameen hayadaha samafalka ee ka hawlgala degaanka dagaalku ka dhacay. Rabshadaha ayaa soo bilawday maalintii Arbacda ahayd ee ina soo dhaaftay ka dib markii koox xoolo raacata ah ey weerar ku qaadeen koox kale oo beeraaleey ah Tuulada Amuuri ee bariga gobolka Daarfuur dalkaasi Suudaan. Qoraal ka soo baxay isku duwaha guud ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee gobolka Daarfuur ayaa lagu sheegay in 42-qofood ey ku jiraan caruur iyo dumar ey sidoo kale ku dhaawacmeen isk horimaadka u dhexeeyo xoola raacatada iyo beeraaleyda.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.