SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

DAACISH LAGU DILAY SUURIYA.

SUURIYA.

(BEIRUT)-Isbahaysiga uu hogaamiyo Maraykanka ee ka hawlgala dalka Suuriya Drones eey leeyihiin ayaa weerar ku qaaday waqooyi-bari ee dalkaasi Suuriya maalinti shalay oo Isniin ahayd waxa eeyna halkaas ku dileen maleeshiyaad ka tirsan ururka Daacish sidaas waxaa sheegay ciidamada amaanka ee Kurdiyiinta ee dalka Suuriya. Sida eey u sheegeen wakaaladda wararka ee Associated Press(AP) masuuliyiin Kurdi ah weerarka eey qaadeen Drones-ka ayaa lala beegsaday xubno ka tirsan Daacish oo ku socday Mooto-Laba Lugooleey gudaha xaafadda Xamaam Al-Turkumaan xaafadaan ayaa waxaa maamulo xoogaga mucaaradka Suuriya ee uu taageero dalka Turkiga una dhaw Tel Abyad mana la soo sheegin dad shacab ah oo wax ku noqday weerarka eey qaadeen Drones-ka.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI