CUMAR AL-BASHIIR OO QIRTAY…
CUMAR AL-BASHIIR.
(SUDAN)-Madaweynihii xilka laga tuuray ee dalka Suudaan Cumar Al-Bashiir ayaa maanta oo Talaada ah shaaca ka qaaday inuu isaga qaadaayo masuuliyadda dhacdadii afgembigii 1989-kii ka dhacay dalka Suudaan,afgembigaas ayaa waxa uu awooda dalka Suudaan siiyey Cumar Al-Bashiir iyo 27-qofood oo kale kuwaaso qeyb ka ahaay afgembiga. “Waxaan si xoogan u taagerayaa masuuliyadda dhacdadaas June-1989-kii”sidaa waxaa sheegay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Suudaan Cumar Al-Bashiir waqtigii ey socotay dacwadiisa lagana daawanaayey Tv-ga qaranka Suudaan.
ISHA WARKA AA.