SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CIRAAQ OO JOOJINAYSA DHOOFINTA…

KIRKUK CIRAAQ.

(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq ayaa joojiyey dhoofinta Saliida Ceyriin(Crude Oil) ee laga soo saaro Gobolka Ismaamulka Kurdistaan iyo Waqooyiga Kirkuk maalintii Sabtida ee shalay ahayd(25/3/23)-ka sidaas waxaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay masuuliyiin ka tirsan hayadda shidaalka dalka Ciraaq ka dib markii uu dalka Ciraaq sugaayey muddo dheer garta qadiyadaan lidka ku ah dalka Turkiga. Go’aanka lagu joojinaayo qaaditaanka Saliida Ceyriin ee dhan 450-kun barmiil maalintii taaso la xiriirto qadiyad soo bilaabatay sannadkii 2014-kii markaaso dalka Ciraaq uu sheegay in dalka Turkiga uu ku xadgudbay heshiiskii ogolaanaayey in maamulka Kurdistaan(KRG) uu dhoofiyo Saliid Ceyriin isagoo sii marinaayo dhuumaha qaado shidaalka si ey u gaarsiiyaan dekedda Ceyhan ee dalka Turkiga. Dalka Ciraaq ayaa rumaysan in ismaamulka kurdistaan in laga dhoofiyo Saliida Ceyriin ayadoo laga dhoofinaayo dekedda Ceyhan ee dalka Turkiga tahay mid aan sharci ahayn.

ISHA WARKA MEMO.

HALKAAN KA SII AKHRI.