CIRAAQ OO DIB U DEJINAYSO BARAKACAYAAL.
XARUMAHA BARAKACAYAASHA REER CIRAAQ.
(BAQDAAD)-Dalka Ciraaq waxa uu ka mid yahay dalalka ey ka dhacday Barakac gudaha dalka ah,barakaca ayaa waxaa sabab u ahaay dagaaladii kooxda Daacish ka gaysteen dalkaasi Ciraaq,waxane magaalooyinka dalka Ciraaq qaarkood qaxootinimo ku joogay dad reer Ciraaq ah kana soo qaxay dagaaladda Daacish. Hadaba dawladda Ciraaq ayaa damacsan ineey sameyso dib u dejin dadka soo baracakay, Wasiirka Socdaalka iyo Barakacaaysha dalka Ciraaq ayaa sheegay in dhammaan xarumihii hore ey deganaayeen dadka ku barakacay gudaha dalka Ciraaq kuwaaso qaxooti ahaan u deganaay magaalooyin Ciraaq ku yaalo waqtigii uu socday weeraradii urur argagixisada Daacish ayaa lagu wadaa in la xiri doono lix bilood gudaheed sidaas waxaa shalay oo Kahmiis ahayd sheegay masuul ka tirsan xukuumadda Ciraaq. Wasiirka Socdaalka iyo Barakacaaysha ee dalka Ciraaq Ivan Faik Jabro ayaa waxa uu cadaadis ku saara xukuumadda Ciraaq in qorshaha xukuumadda ee sannadka 2023-ka lagu daro qorshaha in la soo wada xiro dhammaan xarumaha barakacayasha muddo lix bilood ah dadka qaxootiga ahne dib loogu celiyo guryahoodii.
ISHA WARKA AA.