SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CIRAAQ IYO MARAYKANKA OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-RW-AL-SUDANI.

(BAQDAD)-Reysal Wasaaraha Ciraaq,Maxamed Shiica AL-sudani ayaa walaac ka muujiyey Talaadada maanta ah intii lagu guda jiray wada hadalo uu la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken oo ku saabsan khatarta sii socota ee gardaradda Isra’iil ee Marinka Gaza iyo Lubnaan iyo sidoo kale saameynta amaanka Gobolka Bariga Dhexe iyo xasiloonida Caalamka. Walaacyadaan waxaa muujiyey AL-sudani mar uu khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa Maraykanka Antony Blinken,waxaane lagu faahfaahiyey bayaan ka soo baxay Xafiiska Reysal Wasaaraha Ciraaq. Sida lagu sheegay bayaanka,labada masuul waxa ey ka wada hadleen khatarta ka dhalan karta gardaradda joogtada ah ee Isra’iil ee Marinka Gaza iyo Lubnaan iyo saameynta ey ku leedahay Amniga iyo Xasiloonida Gobolka iyo Adduunka oo dhan,Reysal Wasaare AL-Sudani ayaa carabka ku adkeeyey iney lagama maarmaan tahay in Maraykanka iyo dalalka kale ee waa weyn ey xoojiyaan dadaaladda lagu joojinaayo dagaalka lagu hoobtay ee ka socdo Marinka Gaza iyo Lubnaan.

ISHA-MEMO.

HALKAN KA SI AKHRI.