CIIDAMADDA MARAYKANKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.
(SAWIRKA)-TALISKA DHEXE EE CIIDAMADDA MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Wararka ka imaanayo taliska dhexe ee ciidmadda dalka Maraykanka ayaa sheegaayo maanta oo Khamiis ah(29/2/24)-ka inta u dhexeysay lixdii maqribnimo ilaa iyo todobadii fiidkii ee waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman ey Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Marayakanka qaadeen laba weerar oo is difaaca ah kuwaaso lala beegsaday lix Gentaal oo kuwa Guurguura ah nuucooduna uu yahay kuwa lidka Maraakiinta ah,Gentaaladaan lixda ah ayaa loo diyaariyey duulaan dhanka Badda Cas ah sida uu sheegay taliska dhexe. Horaantii fiidnimada Khamiista abaarihii shantii iyo toban daqiiqo ee galabnimo ee Waqtiga Sanca taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka waxa ey soo rideen diyaarad aan duuliyaha wedin(Drones) nuuca loo yaqaano UAV-da taaso maraysay koonfurta Badda Cas. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka waxa ey go’aamiyeen in Gentaaladda iyo diyaaradda aan duuliyaha lahayn iney khatar ku yihiin Maraakiibta Ganacsiga iyo ciidamadda Badda ee dalka Maraykanka ee ku sugan Gobolka. Talaabooyinkaan waxay ilaalin doonaan xuriyadda socodka,waxayna ka dhigi doonaan biyaha caalamiga ah kuwa nabdoon oo amaan u ah ciidamadda Badda ee dalka Maraykanka iyo Maraakiibta Ganacsiga ee marta Badda Cas.
ISHA/CENTCOM.