CIIAMADDA XOOGA IYO KUWA DEGAANKA OO ALSHABAAB…
(SAWIRKA)-BARAAGTA MAXAMUD DA’UD.
(MUDUG)-Wararka laga helaayo caasimadda Gobolka Mugdug ee maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegayo in Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed Qeybta-21-aad oo kaashanayo kuwa degaanka iyo Ciidamadda Daraawiishta Galmudug ayaa kooxda Alshabaab waxa ey kala wareegeen degaanka loo yaqaano Baraag Maxamed Da’ud oo 16-kiilomitir u jirto degaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug. Sida laga soo xigtay saraakisha Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliyeed xoogagii Alshabaab ee halkaasi ku sugnaay ayaa isaga cararay goobihii ey kaga sugnaayeen aagas ka hor inta eysan soo gaarin Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka,hawlgalkaan ayaa waxaa horkacayey Taliyaha Qeybta-21-aad G/le.sare Cabdi-salaad iyo Taliyihii isaga ka horeeyey Qeybta 21-aad Gen.Xasan Jaamici.
ISHA/HIIRAAN.