SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CIIAMADDA MARAYKANKA IYO KUWA INGIRIISKA OO WEERARAY XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(SANA’A)-Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa ku dhawaaqday maanta oo Jimca ah(23/2/24)-ka in Gobolka xeebeedka Xudayda ee dhaca Galbeedka dalka Yeman lagu qaaday seddex weerar oo ey fuliyeen Maraykanka iyo Ingiriiska. TV-ga AL-Masiraha ee ku hadla Afka kooxda Xuutiyiinta Yeman ayaa yiri”Weerar gardaro ah oo ey gaysteen Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa lala beegsaday degaanka Raas Ciise ee degmada AL-Saliif ee Goblka Xudeyda,weerarka ayaa dhacay tiro ka seddex jeer. Dhinaca kale,Maraykanka ayaa sheegay iney burburiyeen Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo laba gentaal oo ah kuwa lidka Maraakiibta ah oo ey lahaayeen kooxda Xuutiyiinta Yeman ka dib markii ey ogaadeen iney khatar ku yihiin Maraakiibta ganacsiga ee marta marinka Badda Cas iyo Maraakiibta dalka Maraykanka ee ku sugan Gobolka. Taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu garaacay afar diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn iyo laba gentaal oo nuuca Cruis-ka ah oo loo diyaaiyey in laga soo tuuro degaanka ey maamulaan Xuutiyiinta ee ku wajahab Badda Cas,taliska ayaa intaas raaciyey iney soo rideen seddex diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn oo weerar ku soo qaaday meel u dhaw halka ey maraan Maraakiibta Ganacasiga ee Badda cas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA AKHRI.