CARUUR MIINO KU LAAYSAY DALKA SURIYA..
(SAWIRKA)-GAARIGA EY LA KACDAY MIINADA EE DARCA’A.
(DIMISHIQ)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Suriya ee Dimishiq ayaa sheegaayo in todobo caruur ah lagu dilay koonfurta dalka Suriya ee Gobolka Darca’a maanta oo Sabti ah ka dib markii ey la kacday Miino sida ey sheegtay warbaahinta dawladda Suriya. “Waxaa dhintay todobo caruur ah waxaane dhaawacamay laba qof oo kale kuwaaso mid ka mida ey tahay Dumar,dadkaan ayaa ku dhintay kuna dhaawacmay miino sida la sheegay ey aaseen kooxaha Argagixisada ee magaaladda Sanamayn,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda wararka u Faafiso dalka Suriya SANA oo soo xiganaysay ilo Boolis ah. Kooxda la socoto Xuquuqda Bani’adanka dalka Suriya ee fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska ayaa ka hadlay Qarax ka dhacay Darca’a waxa eyna sheegeen in qaraxa ey ku dhinteen Caruur dhan sideed midne uu ku dhaawacmay,Qaraxa ayaa waxaa Aasay koox Argagixisa ah oo doonaysa iney ku khaarijiso qof aan la garaneyn kuna sugan aagaas uu ka dhacay Qaraxa. Darca’a ayaa ah halkii uu ka bilawday kacdoonka looga soo horjeeday Xukunka Bashaar AL-Asad sannadkii 2011-kii,waxa eyna gacanta dawladda Suriya ku soo laabatay ka dib markii uu dhacay heshiiskii xabad joojinta ee uu taageeray Ruushka.
ISHA/ARAB.