CARUUR KU DHIMATAY QARAX LA DHIGAY….
MIINA BAARAYAASH YEMAN.
(YEMAN)-Qarax dhulka lagu aasay ayaa waxa uu ku qarxay magaala xeebeedka istaraatiijiga ah ee Xudayda dalka Yeman ayaa waxaa ku dhintay seddex qofood oo shacab ah eyna ku jiraan laba caruur ah waxaane ku dhaawacmay hal canug oo kale,miinada qaraxday ayaa waxaa la dhigay wadada aada degmada Xiis waxa eyna qaraxday ka dib markii ey caruurta ku istaageen sidaas waxaa laga soo xigtay warbaahinta maxaliga ah. Caruurta ku dhimatay qaraxa ayaa kala ah Khalil Wahiib oo 12-jir ah,Saabir Mushar oo 15-jir ah iyo Mustafa Alsheyba oo 35-jir ah waxaane ku dhaawacmay canug kale oo 12-jir ah balse aan la sheegin magaciisa.
ISHA WARKA AA.