SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CANUG HOOYADIIS DHIMATAY OO LA SOO BADBAADIYEY.

(SAWIRKA)-MAALIK YAASIIN.

(GAZA)-Isbitaal ku yaalo Marinka Gaza ayaa sheegay maanta oo Sabti ah inuu ilmo yar ka badbaadiyey Caloosha Hooyadiis ka dib markii ey hooyadiis u dhimatay dhaawac ka soo gaaray duqeyn dhinaca cirka ah ey gaysteen ciidamadda difaac Israa’iil. Cula’a Cadnaan Xarb AL-Kurd oo lahayd Uur sagaal bilood ah ayaa si dirqi ah uga badbaaday habeen ciqaab ah oo lagu garaacayey gentaalo ayey samafalayaashu u carareen dhulka ey maamusho Xamaas halkaaso lagu xasuuqay dad ka badan 24-qofood eyna ku jiraan lix qofood oo isku hal qoys ah. Laakin markii Kurd ey gaartay Isbitaalka AL-Cawda waa ey geeriyootay,sida uu sheegay Takhtarka Qaliinka ee Isbitaalka AL-Cawda Dr. Akram Xuseen. Takhaatiirta Isbitaalka AL-Cawda kuma eysan guuleysan iney badbaadiyaan hooyadda leh Uurka sagaalka bilood balse waxa ey sameeyeen Ultra-Sound-ka lagu ogaado garaac Wadnaha ilmaha ku jira Urrka Hooyadiis. Takhaatiirtu waxay si deg deg ah u sameeyeen Qaliin deg deg ah oo dhinaca dhalmada ah “Waxayna ka soo saareen Uurjiifkii”,ayuu Takhtarku u sheegay Saxafiyiinta. Ilmaha ayaa markii hore ku jiray xaalad halis ah,laakin ka dib markii uu helay Oksijiin iyo daryeel caafimaad xaaladiisu wey soo hagaagtay”ayuu yiri Dr.Raa’id AL-Sacudi oo ah Madaxa qeybta dhalmada iyo haweenka ee Isbitaalka. Waxaa la geliyey qalabka ilamaha la geliyo marka eysan si caadi ah u dhallan,waxaane loo gudbiyey Isbitaal AL-Aqsa’a ee ku yaalo Diir AL-Balax. Hooyo Kurd ayaa ka mid ahayd seddex dumar ah iyo ilmo oo ku dhintay gentaal ey Israa’iil ku soo riday Xeradda Qaxootiga ee Nuseyraat ee bartamaha Marinka Gaza,sida uu sheegay sarkaal caafimaad oo ka tirsan Isbitaalka AL-Cawda,ninkeeda ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka dhinaca cirka ee Israa’iil. Marinka Gaza ayaan lahayn adeegyada caafimaadka ey baahan yihiin dadka reer Falastiin sababo la xiriiro weeraradda joogtada ah ee diyaaradaha Israa’iil,waxaane jirto dhibaato haysata hooyooyinka dhulka Falastiin taaso ah dhalmada aan waqtigeeda la gaarin,waxaane jiro cuduro ey ka mid yihiin Suuxdin ku dhacda waqtiga ey hooyada Uurka leedahay(eclampsia) iyo bukashadda qeybaha difaac jirka hooyadda kaaso sababi kara dhimashadda hooyadda. Cunuga la soo badbaadiyey ayaa loo bixiyey magaca ah”Malik Yaasiin”

ISHA/GULF.