SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CALI AL-NIMRI WAA WIIL DIL KA BADBAADAY.

(SACUDI CARABIYA):Dalka Sacuudiga waxaa jiray sharci eey dadka oo dhan u siman yihiin laguna wada fuliyo waane dil,dilka ayaa waxaa lagu xukumaa laguna fuliyaa dadka sameeyo Banaanbax looga soo horjeedo boqortooyadda,dhac hubaysan iyo qarax eey dad wax ku noqdaan,sharciga dilka ah waxaa hadda lagu fuliyaa dadka da’adoodu weyn tahay mana lagu fuliyo dhallinyarada aan weli qaan gaarin,sharciga cusub ayaa waxaa la soo saaray Abriil-2020-ka waxa uuna dhigaa inaan dil lagu xukumi karin dhallinyarad aan weli qaan gaarin,arrintaan ayaa timid ka dibmarkii dalka boqortooyadda eey cambaareey xoogan kala kulantay xukuno dil eey ku fulisay dhallinyaro aan weli qaan gaarin.

Cali Al-Nimri waa wiil dhallinyara ah una dhashay dalka Sacuudiga waxaana la xiray sannadkii 2012-kii ka dib markii uu ka qeyb qaatay kacdoonkii looga soo horjeeday boqortooyada waqtigii uu kacdoonka ka socday wadamada Carabta,waxaane Cali xukun dil ah lagu xukumay sannadkii 2014-kii waqtigaaso Cali uu jiray 17-sano,xukunka ku dhacay Cali ayaa waxaa ka dhashay cambaareeyn aad u xoogan oo loo soo jeediyey boqortooyada Sacuudiga.

Abriil-2020-kii Boqorka Sacuudiga Salmaan ayaa soo saaray sharci cusub oo khuseeyo dhaliinyaradda aan weli qaan gaarin ee ka qeyb qaata mudaaharaadyada looga soo horjeedo Boqortooyadda shacigaas ayaa dhigaayo inaan la toogan karin dhallinyarad aan weli qaan gaarin balse xabsi loogu bedelo.

Cali Al-Nimri ayaa maanta oo Arbaca ah(27/10/2021)-ka waxa uu ka soo baxay xabsiga uu ku jiray muddo dhan sagaal(9)-sano waxa uuna dib ula midoobaya ehelkiisa,waxaane sii dayntiisa ka hadlay aabaha dhalay Cali iyo adeerkiis kuwaso wax ku qoray tweeter-ka sheegayne ineey ku farxeen sii deynta wiilkooda.XIGASHO WAKALADAHA.

HALKAAN KA SII AKHRI.