SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

CABSI LA SOO DERISTAY SAFAARADDA ISRA’IIL EE SWEDEN.

(SAWIRKA)-BOOLISKA DALKA SWEDEN.

(STOCKHOLM)-Tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil taariikhdu markeey ahay 7/10/23-kii waxaa soo kordhaayey cabsida laga qabo iney weeraro ey ka dhacaan wadamadda Yurub,Maraykanka iyo Kanada,weeraradaasi ayaa loo maleynaayey in lala beegsan doono goobaha ey ku badan yihiin Yahuuda,Hadaba Booliska dalka Sweden ayaa maanta oo Arbaca ah(31/1/24)-ka sheegay in shey laga yaabo inuu khatar yahay laga helay meel u dhaw dhismaha Safaaradda Isra’iil ee caasimadda dalka Sweden ee Stockholm waxaane weli socdo baaritaan lagu haayo sheyga laga helay Safaaradda agteed,sidaas waxaa laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Reuters. Afhayeen u hadlay Booliska dalka Sweden ayaa sheegay in shaqaalaha Safaaradda Isra’iil ey waceen Booliska saacadu markeey ahayd 12:10-kii waqtiga GMT-ga,waxa eyna Booliska ku wargeliyeen in banaanka dhismaha Safaaradda uu yaalo shey kaaso keeni kara khatar. Sidoo kale,afhayeenka Booliska dalka Sweden ayaa intaas ku daray in kooxda baarta waxyaabaha Qarxa ey gacanta ku hayaan sheygii la soo dhigay agagaarka Safaaradda Isra’iil ee Stockholm. Booliska ayaa diiday iney shaaciyaan wax tafaasiil ah kuna saabsan cabirka ama qaabka sheyga la helay ilaa laga xaqiijiyo. Dhinac kale,TV-ga SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in goobta uu shilku ka dhacay ey ku sugnaayeen dhawr baabuur oo Boolis ah waxaane goobta la soo dhoobay askar aad u fara badan si ey Amniga goobta u sugaan mana ahayn suurtagal in jawaab deg deg ah laga helo Safaaradda Isra’iil.

ISHA/SBM