BILJAM:MAXKAMAD XUKUN KU RIDAY DIBLOMAASI KUWAYTI AH.
(BILJAM):Maxkamad ku taalo caasimadda dalka Biljam ee Brussels ayaa shalay oo ahayd Arbaca waxay xukun ku riday diblomaasi kuwayti ah iyo xaskiisa ka dib markii eey si xun ula macaamileen adeegto u dhalatay dalka Itoobiya sidii ayadoo ah Adoonkooda gudaha caasimadda Biljam ee Brussels.Diblomaasiga u dhashay Kuwayt iyo xaaskiisa ayaan joogin maxkamadda markii la qaadayey dacwadooda waxa eeyna dalka Biljam ka bexeen bilo ka hor,safaaradda Kuwayt ee dalka Biljam ayaan ka jawaabin dalka maxkamadda waayo waxa eey rabtaa ineey marin habaabiso una hesho marmarsiinyo eey ku difaacdo dibloomaasiyiintooda dembiga loo haysto.Intii lagu guda jiray dacwada loo haysto dibloomaasigaan Kuwayt ah bartamihii bishii hore ee Noofembar ayey xeer beegsiga Biljam codsadeen in diblomaasiga Kuwayt iyo xaaskiisa lagu xukumo afar sano waayo dembiyadda eey galeen ayaa waxaa ka mida Tahriibin dad ineey xabsi geliyeen adeegtadooda iyo ineeysan siin wax mushaar ah.ISHA WAKAALADO.