SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BIDEN OO CUNAQABATEYN SAARAYO…

(SAWIRKA)-YAHUUDA LA SOO DEJIYO DHULKA FALASTIIN.

(WASHINGTON)-Madaxeweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu saxiixay amar fulin ah kaaso Maraykanka u ogolaanayo inuu cunaqabateyn cusub ku soo rogo dadka la soo dejiyey dhulka reer Falastiin, siyaasiyiinta iyo Saraakiisha reer Isra’iil ey suuragal tahay iney ku lug yeeshaan weerarada wata rabshadaha ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin. Amarka fulinta ah ee aan horay loo arag ayaa ah talaabada ugu muhiimsan ee maamulka kasta oo Maraykan ah uu weligiis qaado si uu uga jawaabo rabshadaha ey ka dambeeyaan dadka la soo dejiyey dhulka Falastiin ee reer Isra’iil,rabshadahaas ayaa waxaa ku waxyeelooba dad rayid ah una badan dumar iyo caruur kuwaaso ku sugan Daanta Galbeed. Waxaa jira ku dhawaad shan boqol qofood oo Israa’iil ah kuwaso weerar ku ah faastiiniyinta tan iyo markii uu bilawday dagalka Marinka Gaza 7/10/23-kii,sidaas waxaa sheegay xafiiska Bani’adanimada ee Qaramada Midoobe ee OCHA. Weerarada ey gaystaan Isra’iiliyiinta la soo dejiyey dhulka Falstiin ayaa waxaa ku geeriyooday sideed qofood uu ku jiro canug yar oo ilmo ah,in ka badan 150-qofood oo kalane waa ey ku dhaawacmeen,OCHA ayaa shalay oo Arbaca ahayd sheegtay. Dawladda Isra’iil ayaa ku andacooneysa iney qaaday tilaabo adag labadii bilood ee la soo dhaafay si ey wax uga qabato dhibaatada iyo iney keentay hoos u dhaca weerarada rabshadaha wata ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin kuna sugan Daanta Galbeed.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.