BAXRAYN OO XABSIGA U TAXAABTAY…
BOOLISKA BAXRAYN.
(MANAMA)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Baxrayn ayaa sheegtay ineey qabatay 16-qofood kuwaaso lagu tuhmaayo ineey ka mid yihiin dad diyaarinayo fawdo iyo kharibaad loo gaysanaayo hantida guud iyo mida gaarka ahba. Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay la soo qabqabtay dad dhan 16-qofood kuwaso ku hawlanayaa diyaarinta fawdo iyo iney gaystaan hanti burburin gudaha dalka Baxrayn. Inta badan dad ey xirto dawladda Baxrayn ayaa ah dadka laga tirada badan yahay ee Shiicada Baxrayn,mana aha markii ugu horeysay ey ka dhacdo dalka Baxray in dad aan waxba gaysan xabsiga loo taxaabo ayagoo marmarsiinyo looga dhiganaayo waxa ey ku hawlanayeen Fawdo iyo ineey wax kharibaan.
ISHA WARKA ARAB.