BAS KU GUBTAY YEMAN IYO DADKII OO LAGA BADBAADIYEY.
(SAWIRKA)-BASKA GUBTAY.
(ABYAN-YEMAN)-Wararka laga helaayo Gobolka Abyan ee Koonfurta dalka Yeman ayaa sheegaayo in maanta oo Isniin ah uu halkaasi dab ku qabsaday gaari bas ah oo ey iska leedahay Shirkadda AL-Najaar koonfurta magaaladda Zinjubaar ee Gobolka Abyan ee Koonfurta Yeman. Ilo degaanka ah ayaa Wargayska Al-Masdar-Online u sheegay in dab uu ka kacay gaari bas ah oo ey leeedahay Shirkadda AL-Najaar,Baska ayaa ka soo ambabaxay caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan,waxaane la socday tiro dad ah oo ku socday magaaladda Riyad ee caasimadda dalka Boqortooyadda Sacuud Carabiya. Wararka ayaa intaas ku deraayo in baska uu dab qabsaday daqiiqado ka dib markii uu ka gudbay barta koontaroolka Doofis iyo markii uu soo gaaray isgoyska Sheekh Cabadallah oo ku yaalo khadka caalamiga ah ee Koonfurta magaaladda Zinjubaar. Wararka ayaa intaas ku deraayo in wadayaasha Basaska ey dareemeen dabka isla markii uu kacay,ka dibne ey joojiyeen baskii,waxa eyna ka daad gureeyeen dhammaan dadkii rakaabka ahaay iyo boorsooyinkoodii ey wateen.
ISHA-MASDAR-ONLINE.