SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAQDAD OO LAGU DILAY NIN U SHAQRYNAYEY…

GOOBTA EY KA DHACDAY TOOGASHADA.

(BAQDAD)-Toogasho aad u halis ah ayaa lagula kacay qof la soo shirqoolay kaaso u shqeynayey hayad gargaar oo laga leeyahay dalka Maraykanka maalintii shalay oo Isniin ahayd,dilkaan loo gaystay qofka ajnabiga ah ayaan inta badan ka dhicin dalka Ciraaq sidaas waxaa laga soo xigtay laba sarkaal kana tirsan ciidamadda booliska dalka Ciraaq. Nin ayaa toogtay qofka u shaqeynaayey hayada gargaarka isagoo sii gelaayo wada gasha halka uu kaga nool yahay magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad gaar ahaan degmada Karraada kuna taalo bartamaha magaaladda caasimadda ah ee Baqdaad.Ma cadda sababta loo dilay qofkaan la toogtay balse waxaa la socday markeey dheceysay toogashada xaaskiisa iyo caruurtiisa kuwasoo aysan waxba soo gaarin.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.