SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAQDAAD: NIN INGIRIIS AH OO LA XUKUMAY.

SAWIRKII JIM FITTON.

(BAQDAAD-CIRAAQ)-Nin u dhashay dalka Ingiriiska ayaa maanta oo Isniin ah Maxkamad ku taalo magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq ku xukuntay xabsi dhan 15-sano oo xarig ah ka dib markii lagu soo eedeyey inuu dalka Ciraaq kala dhoofaayey waxyaabo taariikhi ah sifo aan sharci ahyn. Ninkaan Ingiriiska ah ayaa la yiraahdaa Jim Fitton waxa uuna Jim jiraa 66-sano waane nin ku takhasusay cilmiga barashada dhulka(Geology),Jim ayaa la sheegaa inuu dhul badan dalxiis ku tegi jiray waxa uuna deganaay dalka Mayasiya. Qareenka iyo qoyska jim Fitton ayaa sheegay in waxa jim loo haysta eeysan dembi ahayn waxaane isna xabsiga laga sii daayey nin u dhashay dalka Jarmal,dacwada Jim iyo ninkaan Jarmalka ah ayaa soo bilaabatay 15/5/22-ka.

ISHA WARKA WAKALADO.

HALKAAN KA SII AKHRISO.