SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BANK KU YAAL BEIRUT OO…

LIBNAAN.

(BEIRUT)-Caasimadda dalka Libnaan ee Beyruut naag hubaysan ayaa waxa eey jebisay bangi maanta oo Arbaca ah,naagtaan hubaysan ayaa dalbatay in awood loo siiyo ineey lacag kala bixi karto xisaabteeda keydka(Saving) ee uga furan bangiga eey jebisay si eey lacagtaas ugu daaweyso walaasheed oo xanuunsan. Naagta jebisay bangiga ayaa wadatay bastoolad markeey jebinaysay bangiga waxa eeyna ku handaday shaqaalihii bangiga ineey is dili doonto haddii aanan la siin lacagta eey doonayso ineey ku daaweyso walaasheed lacagta eey dalbatay in la siiyo ayey dad goobjoogayaal ah ku sheegeen ineey dhan tahay $20,000 doolarka Maraykanka ah. Ma aha markii ugu horeysay eey Libnaan ka dhacdo arrin la mida midaan bishii hore ee Agoosto/11-keedii waxaa bangi ku yaalo Beyruut afduubay nin la yiraahdo Basaam Sheekh Xuseen waxa uuna dalbaday in xisaabkiisa ugu furan bangiga looga soo saaro lacag dhan $210,000 doolarka Maraykanka lacagtaaso Basaam u doonaayey aabihiis oo markaas Xanuunsanaay.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.