SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BANAANBAX XOOGAN OO MAANTA KA DHACAY WASHINGTON DC.

(SAWIRKA)-BANAANBAX KA DHACAY CAPITAL HILL DC.

(WASHINGTON)-Iyadoo kumanaan Mudaaharaadayaal ahi ey joogeen banaanka dhismaha Capital-ka ee dalka Maraykanka oo ey horfadhiyaan qol faaruq ah. Reysal Wasaaraha Israa’iil Benjamiin Netanyahu ayaa ka hadlay fadhi wadajir ah ee Koongareeska Maraykanka,hadalka Netanyahu ayaa socday muddo saacad ku dhaw waxa uuna ku baaqay Netanyahu in dawladda Maraykanka iney taageero dheeraad ah ey siiso Israa’iil si ey ugu guulaysato dagaalka ey kula jirto Xarakadda Xamaas ee ka socdo Marinka Gaza. Reysal Wasaare Netanyahu ayaa isku dayey inuu khudbadiisa u adeegsado inuu dib u cadeeyo hogaankiisa Israa’iil,halka codbixinta ey muujinayso in ka badan 70% ey doonayaan in Netanyahu iscasilo,gudaha Maraykankane waxaa ka socdo ololihii doorashooyinka ee Madaxweyne oo cajiib ah kaaso soo jiitay dadweynaha Maraykanka,waxa uuna hareeyey booqashadda hogaamiyaha Israa’iil Netanyahu ee dhalisay muranka. Khudbadda Netanyahu ayaa dhacday xilli xaasaasi ah oo laga wada xaajooday la haystayaasha Gaza iyo heshiiska xabad joojinta,laakinse Reysal Wasaare Netanyahu ayaa si dirqi uga hadlay arrinta la haystayaasha. Wax yar ka hor hadalka Reysal Wasaare Netanyahu, Xafiiska Netanyahu wuxuu qirtay in Reysal Wasaaruhu baajiyey safarkii la qorsheeyey ee wada xaajoodayaasha Israa’iil ee dalka Qadar Khamiista berri ah,isagoo ku andacoonaayo Netanyahu inuu doonaayey inuu la kulmo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ka hor inta wafdiga Israa’iil uusn tegin Caasimadda Dooxa ee dalka Qadar.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.