SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BANAANBAX KA DHACAY CADAN.

(SAWIRKA) BANAANBAX KA SOCDO CADAN.

(ADEN)-Tan iyo markii uu dagaalka ka dhacay dalka Yeman sannadkii 2011-ka waxa uu dalka u kala go’ay laba qeybood ey kala maamulaan Xuutiyiinta iyo Xukuumadda uu caalamku aqoonsan yahay ee Yeman,Xuutiyiinta waxaa saldhig u ah caasimadda Sanca halka Cadan ey caasimadda ku meel gaar ah ey u tahay Xukuumadda Yeman. Magaladda Cadan ayaa ah mid aad u kulul waqtiga kulaylaha waxa uuna heerkulkeedu mararka qaar gaaraa in ka badan 35c-digirii,waxa eyna dadka reer Cadan aad u isticmaalaan korontada waqtiga uu jiro kulaylka. Dadka reer Cadan ayaa maanta oo Talaada ah(18/7/23)-ka waxa ey banaanbax isugu soo baxeen magaaladdq Cadan gudaheeda ayagoo ka cabanaay laba arrimood ee kala ah Dhaqaalaha oo burburay iyo koronto la’aan jirto waqtiga kulaylaha,waxaane magaaladda Cadan dadkeeda koronto helaan lix saacadood kaliya afar iyo labaatankii saacba. Sida la sheegay banaanbaxan ayaa waxaa ku baaqday Madaxa Hayada Shacabka reer Koonfurka Dr.Cumar Cayduruus Al-Saqaaf,ciidamadda dawladda Yeman ayaana awood ku kala eryey banaanbaxayaashii isugu soo baxay magaalo xeebeedka Cadan.

ISHA/MEE.

HALKAN KA SI AKHRISO.