BANAANBAX DAD KU DHINTEEN OO KA DHACAY…
BANAANBIXII MAANTA KA DHACAY HARGAYSA.
(HARGAYSA)-Dalka Soomaaliya marka laga hadlaayo waa dal uu dhulkiisu aad u balaaran yahay waxaane xur ah laba gobol oo kala ah goboladda Koonfureed iyo kuwa Waqooyi waxaane weli aan qaadan xurnimadooda dhulka eey gumaysato Kenya ee NFD iyo kan eey gumaysato Itoobiya ee loo yaqaano Dawlad Degaanka Soomaliyeed(DDS)-ta,Jabuuti oo ayadana ka mid ah dhulka Soomaaliyeed amaba Soomaali Weyn waxa eey ka xuroowday dalka Faransiiska 27/6/1977-kii. Labada goboL ee Waqooyi iyo Koonfur Soomaaliya ayaa midoobaya 1/7/1960-kii waxa eeyna la bexeen Jamhuuriyadda Soomaaliya laakinse 21/10/1969-kii dalka waxaa ka dhacay afgembi eey sameeyeen ciidamadda qalabka sida ee Soomaaliyeed waxa uuna xukunkii gacanta u galay ciidamadda qalabka sida waxa eeyna dalka xukumaayeen ilaa sannadkii 1991-dii uu dalka ka dhacay dagaalkii sokeeya. Goboladii Waqooyi ee Soomaaliya ayaa waxa eey ku dhawaaqeen ineey ka go’een Soomaaliya inteedii kale tariikhdu markeey ahayd 18/5/1991-kii waxa eeyna la bexeen magaca maanta loo yaqaano oo ah SOMALILAND. Maamulkaan Soomaliland ayaa dhistay maamul ku saleeysan Dimuqaraadi waxa uuna jideystay doorasho dalkaasi ka dhacda afartii sanaba mar waxaane tii ugu dambaysay la qabtay sannadkii 2017-kii waxaane ku guulaystay waxaane doorashada ku guulaystay xisbiga hadda talada haayo ee Kulmiye waxaane Madaxweyne noqday Muuse Biixi Cabdi,doorashada uu ku soo baxay Muuse Biixi ayaa la qabtay Nofeembar-2017-kii waxaane la rabaa in Soomaliland eey ka dhacdo doorasho Noofembarta soo socoto-2022-ka balse Madaxweyne Muuse ma ogola arrinkaas oo waxa uu rabaa inuu kororsado waqtiga uu sii ahaaynaayo xilka Madaxweynaha Soomaaliland laakinse Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland eeyna kala hogaaminayaan Faysal Cali Waraabe iyo C/raxmaan Cirro ayaa abaabulay banaanbaxyo ka dhan ah Muuse Biixi waxaane Hargaysa ka dhacay maanta oo Khamiis ah Mudaaharaadyo eey dad ku dhinteen kuwa kalane eey ku dhaawacmeen.
ISHA WARKA CAASIMADDA ONLINE.