SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAASABOORKA SOOMAALIYA OO HOOS…

BAASABOORKA SOOMAALIYA.

(LONDON)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka uu aafeeyey dagaalka welina aan ka soo kabsan waxyeeladiisii,waxa uuna dalka Soomaaliya soo maray marxalado kala gedisan tusaale ahaan waqti eey xukumaayeen hogaamiyo kooxeedyo,waqti uu ka jiray maaul ku meel gaar ah iyo hadda uu dalka Soomaaliya leeyahay dawlad Federaal ah eeyna hoos yimaadiin lix maamul goboleed,hadaba isbedbedelaadsi ayaa waxa eey saameeyeen Baasaboorka uu leeyahay dalka Soomaaliya,waxaane jirta heyad qiimayn ku samaysa baasaboorada caalamka ayadoo saldhig uga dhigayso wadamadda baasboorkaas lagu geli karo ayadoo aan loo qaadan dal ku gal(Free Visa),hayadda Henley and Partners qiimeyn eey soo saartay ayey ku sheegtay wadamada baasabooradooda lagu geli karo dal ku gal la’aan waxaane hogaaminaayo dalka Japan,Baasaboorka dalka Japan oo qofka wata Visa loogama baahna dalal dhan 193-dal waxaane ku xigo oo kaalinta labaad wada galay dalalka Singapore iyo Kuuriyadda Koonfureed oo waxaa Visa la’aan lagu geli karaa 192-dal. Haddii aan u soo laabano wadamada Carabta waxaa hogaaminaayo Baasaboorka dalka Imaaraatka Carab oo waxaa lagu geli karaa Visa la’aan (176)-dal-2022-ka, halka sannadkii 2011-kii baasaboorka dalka Imaaraatka lagu geli karay( 67)-dal kaliyah.

Haddii aan u soo laabto baasaboorka dalka Soomaaliya qiimeyntii la sameeyey sannadkii 2011-kii waxa uu galay mid ka labada dal ee ugu hooseyo(100), laakinse qiimayntii la sameeyey sannadkaan 2022-ka baasaboorka Soomaaliya waxa uu galay kaalinta( 107)-aad waxaane lagu geli karaa oo kaliyah 35-dal Visa la’aan waxaane ka hooseeyo dalalka Yemen-34-dal, Pakistan-32-dal, Syria-30-dal, Ciraaq-29-dal iyo dalka Afgaanistaan-27-dal.

ISHA WARKA SBMEDIA.