SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

BAARLAMAANKA ISRA’IIL OO WADA OLOLE KA DHAN AH

(SAWIR)-KA.UNRWA EE FALASTIIN.

(ISTANBUL)-Dalka Biljam ayaa maanta oo Sabti ah dhaleeceeyey dadaaladda ey wadaan Golaha Baarlamaanka(Knesset) ee Isra’iil oo ey ku doonayaan iney Hayadda Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga Falastiin(UNRWA) iney ku tilmaamaan koox “Argagixiso” ah lagana xayuubiyo Xasaanadda Diblomaaasiyadeed. “Dalka Biljam waxa uu Cambaareynayaa isku dayga Baarlamaanka Isra’iil uu ku doonaayo inuu UNRWA ugu aqoonsado Urur Argagixiso iyo in Xasaanadda Diblomaasiyadeed laga qaado shaqaalaheeda”,ayey tiri Wasiiradda Arrimaha Dibadda Biljam Hajda Lahbib. Wasiiradda ayaa hoosta ka xariiqday in shaqada Hayaddu tahay mid muhiim u ah shacabka reer Falastiin marka loo eego xaaladda Bani’adanimo ee ka jirta Marinka Gaza. Midawga Yurub ayaa sidoo kale Jimcihii ka dhawaajiyey inuu jiro walaac qota dheer oo ku saabsan dooda ka socoto Baarlamaanka Isra’iil ee ah in UNRWA lagu tilmaamo koox Argagixisa ah. “Midawga Yurub wuxuu aad uga walaacsan yahay wada hadaladda Baarlamaanka Isra’iil ee ku saabasan in UNRWA loo aqoonsado Urur Argagixiso,lagana laabto Xasaanadda iyo Mudnaanta shaqaalaheed”,sidaas waxaa hadal uu soo saaray ku yiri Josep Borrell oo ah Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midawga Yurub,Isra’iil ayaa sii wada weeraradda Naxariis daridda ah ee ka dhanka ah dadka reer Falastiin marka laga soo bilaabo Todobadii Oktoobar-2023-kii. Sida uu sheegay maamulka caafimaadka Marinka Gaza dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa ila hadda waxaa ku dhintay dad gaarayo ilaa 36-kun qofood kuwaaso badankoodu ah Caruur iyo Dumar, waxaane ku dhaawacmay ilaa 82-kun Qof oo kale,Isra’iil ayaa ilaa hadda waxaa loo haystaa iney Xasuuq ba’an ka gaysatay Marinka Gaza,waxaan amar soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ kaaso ah in si deg deg ah Isra’iil u joojiso hawlgaladda ey ka wado Rafax.

ISHA/AA.