BAABUURKII LOO ADEEGSADAY DILKII MUSLIMIINTA OO…
SAWIRKA MUSLIMIINTA LAGU MARAYKANKA.
(USA)-Booliska magaaladda Albuquerque ee gobolka New Mexico ee dalka Maraykanka ayaa soo xiray qofkii ugu horeeyey ee lagu tuhmaayo inuu qeyb ka yahay dilkii loo gaystay Rag Muslimiin ah. Xirida ninkaan ayaa timid ka dib markii ciidamda booliska ee Albuquerque ee gobolka New Mexico weydiisteen shacabka ineey gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaay baabuurka la rumaysan yahay in loo isticmaalay dilka loo gaystay Rag Muslimiin ah. Booliska Albuquerque ee New Mexico ayaa bartiisa Twitter-ka ku faafiyey nuuca baabuurka loo isticmaalay dilka afarta nin ee Muslimiinta ah taas ayaana suuragelisay in gacanta lagu soo dhigo wadihii baabuurka lagu galay dembiga waane bilawga ogaanshaha dadkii gaystay dilkii afar nin oo Musliniin ah gobolka New Mexico ee dalkaas Maraykanka.
ISHA WARKA MEE.