SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AU-DA OO BAARIS U DIRAY LABA ISRAEL AH.

MUUSA FAQI(SAWIRKA).

(ADDIS ABABA)-Gudoomiyaha Ururka Midawga Afrika(AU) Musa Faqi ayaa sheegay in AU-da samaynayso baaritaan ku saabsan ogaanshaha sida wafdi Israel ah ku soo galeen hoolka ey ku shirayeen Madaxda AU-da,wafdiga Israel ayaa waxaa hogaaminaysay ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibadda Israel ee arrimaha Qaaradda Afrika sideey ku soo galeen hoolka shirarka ee Madaxweynayaasha Afrika shalay oo Sabti ahayd. Musa Faqi ayaa qabtay shir Jaraa’id ka dib markii uu soo dhammaaday fadhigii 36-aad ee Madaxda Ururka Midawga Afrika maanta oo Axad ah ayuu yiri”Ma jirto wax casuumad ah oo aan u dirnay labadii Israel ee fadhiday hoolka shirarka,waxaane ka codsanay masuulka reer Israel inuu isaga baxo Hoolka”.

ISHA WARKA ARAB.

HALKAAN KA SII AKHRI.