SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ANTONY BLINKEN OO BOOQAN DOONO ISRA’IIL IYO…

(SAWIRKA)-BLINKEN IYO NETANYAHU.

(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa la filaa inuu u safro Gobolka Bariga Dhexe dabayaaqadda todobaadka soo socdo si uu ugala hadlo dagaalka ka socdo Marinka Gaza,sidaas waxaa AXIOS u sheegay shan sarkaal oo isugu jira Maraykank,Isra’iil iyo Carab. Safarka Blinken ayaa noqon doono kiisii afaraad ee uu ku tago Gobolka Bariga Dhexe iyo booqashadiisii shanaad ee uu ku tago Isra’iil tan iyo markii uu bilawday dagaalka Marinka Gaza,Socdaalka Blinken ayaa qeyb ka ah booqashooyinka heer sare ah isdaba joogna ah oo ey wadaan saraakiil ka tirsan maamulka Madaxweyne Biden si ey wadatashiyo joogto ah ula soo sameeyaan dawladda Isra’iil iyo saaxibadda Maraykanka ee Gobolka Bariga Dhexe ee ku saabsan dhibaatada ka taagan Marinka Gaza. Wasiir Blinken ayaa la filaa inuu yimaado Isra’iil maalinta Jimcaha ee inagu soo fool leh,sidoo kalane waxa uu Blinken booqan doonaa dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo dalalka Urdun,Sacudiga,Imaaraatka Carabta iyo Qadar.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.