ANTHONY BLINKEN OO U SAFRI DOONO BARIGA DHEXE.
(SAWIRKA)-BLINKEN IYO HOGAAMIYEYAASHA CARABTA.
(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken ayaa maanta oo Axad ah waxa uu u socdaalay Gobolka Bariga dhexe waane safar cusub oo la doonaayo in wax looga qabto xiisadda ba’an ee u dhexeyso Israiil iyo Xamaas iyo sidii loo sii deyn lahaay la haystayaasha reer Isra’iil. Blinken waa socdaalkiisii shanaad ee Gobolka Bariga dhexe tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo Isra’iil 7/10/23-kii,socdaalkan ayaa ku beegmaayo maalmo ka dib markii uu Maraykanka uu qaaday weeraro Aargoosi ah kana dhan ah bartilmaameedyo ey iska leeyihiin maleeshiyaad taabacsan Iraan kuna kala sugan dalalka Suriya iyo Ciraaq. Safarka Blinken ayaa sidoo kale ku soo beegmaayo iyadoo maamulka Biden uu si tartiib tartiib ah u muujinaayo niyad jab badan uu ka qabo Isra’iil iyadoo cunaqabateyn lagu soo rogay Khamiistii la soo dhaafay dadka xagjirka ah in kasto dalka Maraykanka uu dhinac iska dhigay baaqyada caalamiga ah ee Isra’iil si ey u joojiso ololaheeda Mileteri.
ISHA/AN.