SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AMIIRKA KUWEYT OO ISBITALKA LA DHIGAY.

(SAWIRKA)-AMIIR NAWAAF.

(DUBAI)-Wararka ka imaanayo dalka kuweyt ayaa sheegaayo in Amiirka haayo talada dalka Kuweyt ee qaniga ku ah Saliid la dhigay Isbitaalka Arbacada maanat ah(29/11/23)-ka dhibaato caafimaad oo deg deg ah awadeed laakinse markii dambe ayaa lagu soo waramayaa in xaaladda caafimaad ee Amiirka dalka Kuweyt iney tahay mid degan,arrintan ayaa dib u soo cusbooneysiisay walaacii laga qabay caafimaadkiisa tan iyo markii uu xukunka qabtay sannadkii 2020-kii. Warbixin ey soo saartay Wakaaladda Wararka ee dalka Kuweyt ee KUNA ayaanan faahfaahin ka bixinin dhibaatada uu la kulmay Sheekh Nawaf Axmed AL-Sabaax oo 86-jir ah,si kastaba ha ahatee Sheekh Nawaaf ayaa intii uu xukunka haayey dhawr jeer ku wareejiyey ku xigeenkiisa isagoo wejahaayo baaritaan caafimaad iyo arrimo kale. Marka loo eego da’ada Sheekh Nawaaf,xaaladiisa deg dega ah waxa ey cusbooneysinaysaa wel welka caafimaadkiisa.

ISHA/AP.

HALKAN KA SI AKHRISO.