SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AMIIRKA DALKA KUWEYT OO KALA DIRAY BAARLAMAANKA.

(SAWIRKA)-BAARLAMAANKA DALKA KUWEYT.

(KUWAIT)-Fiidnimada Khamiista ayuu Amiirka dalka Kuweyt Sheekh Mashcal AL-Axmed AL-Jabir AL-Sabaax uu soo saaray wareegto uu ka kala diraayo Golaha Shacabka dalka Kuweyt taaso la filaayey iney dhacdo ka dib markii Qalalaasihii Siyaasadeed ee ugu horeeyey uu ka dhashay wiji Cusub,iyadoo Xildhibaanadu ey diideen in la tirtiro faragelinta Wakiilka ey ku jiraan erayo la rumaysan yahay iney meel ka dhac ku yihiin Amiirka dalka Kuweyt. Wareegtada Amiirka ayaa lagu sheegay in kala dirista Baarlamaanka ey ku timid “Sababo la xiriiro ku xadgudubka Golaha Shacabka ee Dastuuriga ah ee muujinayo ixtiraamka mudan ee Golaha Sare iyo adeegsiga ula kaca ah ee weerarada iyo erayada aan la xakamayn”. Wareegtda ey Xukuumadu soo gudbisay laguna soo saaray magaca Amiirka dalka Kuweyt ayaa lagu sheegay in kala dirista Golaha Shacabka ey tahay mid ku timid” Ka dib markii aan dib u eegis ku sameeyey Dastuurka dalka iyo Qodobka 107-aad isla markaane loo cuskaday ku xadgudubka Golaha Shacabka ee mabaadi’ida dastuuriga ah.”Muujinta xushmadda mudan ee loo haayo Xafiiska Sare,si bareer ahne u adeegsanaysa erayo weerar ah oo aan la xakamayn”. Amiirka dalka Kuweyt Mashcal ayaa talada dalka Kuweyt waxaa loo dhaariyey 20/12/23-ka,waxa uuna Reysal Waaare u magacaabay Sheekh Dr.Maxamed Sabaax AL-Salim AL-Sabaax 4/1/24-ka,dalka kuweyt oo ah dal ey u taliyaan hal Qoys ayeysan ka shaqeyneyn dimuqaraadiyadda iyo doorasho xor ah.

ISHA/SHARQ ALAWSAT.

HALKAN KA SI AKHRISO.