SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AMIIRKA CUSUB EE DALKA KUWEYTOO BERRI LA…

(SAWIRKA)-HOGAANKA CUSUB EE DALKA KUWEYT.

(KUWAIT)-Waxaa maalmo ka hor dalka Kuweyt ku geeriyooday Amiirkii dalkaasi Kuweyt Amiir Nawaaf AL-Sabaax oo 86-jir,dalka Kuweyt ayaa waxaa soo xukumaayey qoyska AL-Sabaax muddo ka badan lixdan sano sida la sheegay,hadaba dhimashada Amiir Nawaaf ayaa dhaxli doono kursigiisa? Dalka Kuweyt waxaa weli ka socoto Baroordiiqdii loo sameynaayey geeridii Amiir Nawaaf waxaane ka qeybgalay Madax sare ee uu ka mid yahay MW-Xasan Sheekh Maxamuud,waxaane dalka Kuweyt waqtigaan ka socoto soo xulidii Amiirka cusub ee dalka Kuweyt yeelanaayo,kursiga ayaa hadda waxaa u sharaxan Amiir Mashcal Axmed AL-sabaax kaaso noqon doona dhax sugaha boqortooyada,waane markii ugu horeysay uu ka dhex muuqdo ilma adeeradiisa gaar ahaan Amiiradda Qoyska AL-Sabaax kuwaaso dalka Kuweyt soo xukumaayey 60-kii sano ee ugu dambeysay. Ka dib markii ey wada geeriyoodeen dhammaan Shiyuukhdii reer Kuweyt kuwaaso ey dhaleen Amiirada kala ah Amiir Axmed AL-sabaax iyo Amiir Saalim AL-Sabaax Amiiradaan ayaa dalka Kuweyt waxa ey soo xukumaayeen in ka badan 70-sano ee la soo dhaafay,Sheekh Mashcal ee hadda u sharaxan inuu qabto talada dalka Kuweyt ayaa kala dooran doono midkii uu ka dhigi lahaay Dhaxa Suge Wilkiisa iyo wiilasha ey dhaleen Adeerkiis iyo Abtigiis. Sheekh Mashcal waa 83-jir waxaane lagu wadaa inuu maalinta Arbacada berri ah inuu baarlamanka Kuweyt hortiisa lagu dhaariyo si uu u noqdo Amiirka uu leeyahay dalka Kuweyt.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.