SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AMIIR WALEED BINTALAL OO ISKA ..

SAWIRKA AMIIR WALEED BIN TALAL.

(RIYAD-KSA)-Maalqabeenka u dhashay dalka Boqortooyadda Sacuudiga Amiir Waleed Bin Talaal ahne ninkii la bartilmaameedsaday sannadkii 2017-kii markii uu dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan qaaday weerar uu ugu magac daray waqtigaas la dagaalanka Musuq-Maasuqa ayaa hadda waxa uu iska iibinayaa saami badan oo shirkadihiisa ah saamigaas ayaa lagu sheegay inuu ku kici doono malaayiin doolarka Maraykanka ah. Hadal la soo saaray maanta oo Axad ah(22/5/22)-ka ayaa lagu xaqiijiyey in Amiir Waleed Bin Talal iska iibinaayo saami dhan 625-Milyan oo doolarka Maraykanka ah una dhiganta 16.87% shirkadihiisa ku yaalo gudaha dalka Boqortooyadda Sacuudiga, lacagta eey ku kacayaan saamiyadiisa ayaa la sheegay ineey gaari doonaan 1.5-Milyan oo doolarka Maraykanka ah sida eey sheegeen masuuliyiin Sacuudi ah.

ISHA WARKA MIDDLE EAST EYE.

HALKAAN KA AKHRISO.