SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ALQAACIDA OO WEERAR KA GAYSATAY YEMAN.

(SAWIRKA)-QABAA’ILKA DALKA YEMAN.

(YEMAN)-Wararka ka imanayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in la dilay afar askeri lana dhaawacay seddex kale ka dib markii la weeraray maanta oo Axad ah(24/9/23)-ka gudaha Gobolka Shabwa ee Koonfur-Bari dalka Yeman. Sida laga soo xigtay masuuliyiin dhinaca amniga ah weerarka maanta ka dhacay Shabwa ayaa waxaa lagu tuhmayaa iney ka dambeeyeen kooxda AL-Qaacidda,masuuliyiinta ayaa intaas sii raaciyey in kooxda AL-Qaacidda ey weerarka u adeegsatay Miino ey gelisay dhulka dabadeedna uu dulmaray gaari ey la socdaeen askarta dhimatay iyo kuwa dhaawacmay,askarta dhibku soo gaaray ayaa ku guda jiray hawl maalmedkoodii.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.