SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ALJEERIYA IYO MARAYKANKA OO KA WADA HADLAY ARRINTA…

(SAWIRKA)-JAALIYADDA ALJEERIYA EE MARINKA GAZA.

(NEW YORK)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda Aljeeriya ayaa ku dhawaaaqday maanta oo Arbaca ah in Wasiir Axmed Bi-Cadhaaf uu markii labaad telefoon ka helay dhigiisa dalka Maraykanka Anthony Blinken kaaso ku saabsan “Horumarka Gaza”iyo talaabadii Aljeeriya ee Golaha Amaanka Qaramadda Midoobe ka dib go’aankii Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ku saabsan dacwada ey Koonfur Afrika ka gudbisay Gumaysiga Isra’iil oo ey ku eedeysay iney xasuuq ka gaysatay Marinka Gaza. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya ayaa sheegtay in wada hadalladii u dhexeeyey Bin-Cadhaaf iyo Blinken ey si gaar ah diiradda ugu saareen Horumarka xaaladda Marinka Gaza iyo dadaaladda diblomaasiyadeed ee Aljeeriya ee Golaha Amaanka ee Qaramada midoobe iyada oo ujeedadu tahay in la dhaqaajiyo talaabooyinka ku meel gaarka ah ey soo saartay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.