AL-YEMENIA OO DACWAD UGA BILABATAY PARIS.
SAWIRKA BAHIA BAKARI.
(PARIS-FRANCE)-Bahia Bakari waxa eey ahayd 12-jir markii eey burburtay diyaarad eey saarneed(2009)-kii balse ayada kaligeed ayaa ka badbaaday,diyaarada ayaa ka soo baxday caasimadda dalka Faransiiska Paris, Bahia waxa eey ku socotay jasiradda KOMOROS. Diyaaradda burburtay ayaa waxaa iska leheed shirakadda diyaaradaha Al-Yemenia ee dalkaas Yaman,khadka diyaaradda ayaa ahaay ineey soo marto Sanca caasimadda Yemen dadka u socdaalayo wadamada deriska la ah Yemene eey halkaas ka sii qaado diyaarad kale oo eey leedahay Al-Yemenia sida Bahia. Rakaabka Al-Yemenia ka soo raacay Paris ayaa tiradooda lagu sheegay ineey dhammaayeen 153-qofood waxaane dhintay 152-qofood marka laga reebo Bahia. Bahia iyo hooyadeed ayaa diyaaradda ka soo wada raacay Paris(29/6/2009)-kii kuna socday ineey ka qeybgalaan aroos ka dhacaayey jasiiradda Komoros eey degan yihiin asal ahaan eey ka soo jeedaan,diyaaradda Al-Yemenia ee burburtay ayaa ahayd Airbus-130 waxa eeyna ku burburtay badweynta Indiya,dacwadda maanta ka furantay Paris loona haysto Al-Yemenia ayaan waxaan soo xaadirin wax ka socdo shirkadda Al-Yemenia waayo dawladdii maamulaysay shirkadda dalka waa lagala wareegay oo waxaa hadda ka taliyo kooxda Xuutiyinta, Bahia oo ahayd qofka kaliyah ee ka badbaaday dhacdadaas ayaa maanta ah gabar 25-jir ah sheegi kartana wax kasta.
ISHA WARKA THE GUARDIAN.