SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AL-SISI OO GAARAY DALKA QADAR.

ALSISI.

(DOXA)-Maxadweynaha dalka Masar C/fataax Al-sisi ayaa tegay caasimadda dalka Qadar ee Doxa maanta oo Talaada ah tan iyo markii uu qabtay xukunka dalka Masar sannadkii 2014-kii. Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka u faafiso dalka Masar ee MENA,Al-sisi ayaa gaaray garoonka diyaaradaha caalamaiga ah ee Sheekh Xamad ee caasimadda Doxa ee dalka Qadar waxaane halkaas ku soo dhaweyey Amiirka dalkaasi Qadar Amiir Tamiim Bin Xamad AlThani.Dalalka Masar iyo Qadar ayaa xiriirkoodii dib u soo ceshaday sannadkii 2021-kii ka dib markii uu dhacay shirkii Al-Cula’a ee dalka Sacuudiga shirkaaso dib u heshiisiin loogu sameeyey dalka Qadar iyo afar dawladood oo xiriirika u jaray dalka Qadar sannadkii 2017-kii,dawladahaas ayaa kala ahaay”Masar,Sacuudiga,Imaaraatka iyo Baxrayn”.

ISHA WARKA.AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.