SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

AGAASIMAHA CIA IYO LA TALIYAHA BIDEN OO KU WAJ..

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA CIA.

(WASHINGTON)-Agaasimaha Hayadda Sirdoonka Maraykanka ee CIA Bill Burns iyo Brett McGurk oo ah la Taliyaha Sare ee Madaxweyne Joe Biden ee Bariga Dhexe ayaa u socdaalayo Bariga Dhexe si ey riixaan martigelinta Gaza iyo heshiis xabad joojin ah,sida laga soo xigtay Maraykanka,waxaa kalo arrintaa laga xaqiiqsaday laba ilo wareed oo si toos ah wax uga og. Safarku waa qeyb ka mid ah saxaafadda buuxa ee maamulka Biden si loo helo horumar laga gaaro heshiis,ilo wareeyadda ayaa sidaas yiri. Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Isra’iil ey weeraro culus ka fulisay meelo u dhaw xeradda Qaxootiga AL-Bureej ee Marinka Gaza. Safarka saraakiisha Maraykanka ah ayaa daba socdo khudbadii MW-Biden ee Jimcihii la soo dhaafay ee uu ku soo bandhigay hindisaha Isra’iil ee heshiiska horssedayo in la si daayo la haystayaasha ku jira gacanta Xamaas iyo xabad joojin ka dhacda Marinka Gaza. La taliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad Jake Sullivan ayaa Talaadada maanta ah la kulmay Qoysaska la haystayaasha Maraykank ah ey Xamaas ku hayaan Marinka Gaza,sida laga soo xigtay laba ilo wareed oo aqoon u leh kulanka. Sullivan ayaa u sheegay xubnaha qoysaska in maamulka Biden uu adeegsanaayo dhammaan agabkiisa si uu ugu cadaadiyo Xamaas iney aqbasho heshiiska uu soo bandhigay Biden intii uu khudbadiisa ku jiray,sidaas waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo ku dhaw.

ISHA/AXIOS.

SII AKHRI.