SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

ABU CUBAYDA AYAA KA HADLAY DAGAALKA GAZA.

(SAWIRKA)-GUUTADA AL-QASAAM.

(ANKARA-TURKEY)-Wakaaladda Wararka u Faafiso dalka Turkiga ee Anadolu ayaa sheegtay in Afhayeenka Mileteri ee Guutooyinka AL-Qasaam ee Xarakadda Xamaas Abuu Cubayda ayaa sheegay Fiidnimada Isniinta maanta 4/12/23-ka iney awoodeen iney gabi ahaanba amaba qeyb ahaanba burburiyeen 28 ka mid ah baabuurta dagaalka ciidamadda qabsaday dhammaan furimaha dagaalka ee Marinka Gaza “Intii lagu guda jiray 24-kii saac ee la soo dhaafay”. Abu Cubayda waxa uu hadalkiisa ku daray in “Mujaahidiinta AL-Qasaam ey beegsadeen ciidamadda Sahyuuniyadda ee gudaha u galay goobaha ey ku jiraan gantaalada iyo waxlxaha qarxa”. Abu Cubayda ayaa sharaxay xubnaha wax iska caabinta ey meel eber iskula dheceen ciidamadda Shyuuniyadda eyna sababeen dhimasho gaar ah”. Sidoo kale,Afhayeenka u hadlay”Guutooyinka Al-Qasaam”oo ah garabka Mileteri ee Xarakada Xamaas ayaa tilmaamay iney burburiyeen saldhigyada Mileteri oo ey ku garaaceen madaafiic culus”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.