ABIY AXMED OO LA KULMAY C/FATAAX BURHAN.
(PORT SUDAN)-Wararka aan ka heleyno magaalo Xeebeedka Port Sudan ee dalka Suudaan ayaa sheegaayo in shalay oo Talaada ahayd uu halkaasi gaaray Reysal Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed waxa uuna halkaasi kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Suudaan Gen.C/fataax Burhan,isagoo Abiy uu noqday hogaamiyihii ugu horeeyey oo Ajnabi ah oo booqda caasimadda ku meel gaarka ah ee Port Suudaan tan iyo markii uu bilawday dagaalka u dhexeeyo Ciidamadda dawladda Suudaan iyo kuwa jabhadda RSF,sidaas waxaa sheegtay Wakaaladda Reuters. Abiy Axmed oo horay loogu arkayey inuu yahay nin RSF uga dhaw Ciidanka dawladda Suudaan isla markaasne bishii disembar 2023-kii dalkiisa ku martigeliyey hogaamiyaha RSF-ta Maxamed Xamadan Dagallo,magaaladda Addis Ababa,Abiy ayaa booqashadiis Suudan u qaabeeyey iney tahay sidii xasilooni loogu soo celin lahaay dalka Suudaan ka dib markii uu ka qarxay dagaal socda in ka badan 15-bilood. Dadka falanqeyo siyaasadda Suudaan ayaa rumaysan in booqashadda Abiy ee Suudaan leedahay wijiyo fara badan lagana xusi karo: (1)-U adeegidda danaha dalka Imaaraatka kaaso ey isku dheceen xukuumadda Suudaan. (2)-Hoos u dhigidda dagaalka Amxaaradda iyo ciidanka dawladda Itoobiya iyo raadin marin biyood Itoobiya wax uga soo degaan haddii Jabuuti ey isku dhacaan. (3)-Soo nooleynta Sumcadda dawladda Itoobiya ee Bariga taaso DFS u sabab noqotay in dalka Itoobiya lagu cambaareeyo xadgudbkii uu ku sameeyey dhulka Soomaaliya. Xusuusnow in booqashadda Abiy Axmed ey tahay mid ku soo beegantay waqti uu Madaxweyne Xasan Sheekh booqasho ku joogay dalka Eritereeya.
ISHA/MOM.