SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

78-QOFOOD OO KU DHIMATAY DALKA YEMAN.

XABSIYADA DALKA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay dalalka u saameyey kacdoonkii ka dhacay qaar ka mida wadamadda Carabta waxaane ka dhacay dagaal faraha looga gubtay una dhexeeyey ciidamada dawladda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay iyo kooxda Xuutiyiinta uu taageero dalka Iraan,dagaalka oo daba dheeraaday ayaa sababay in dalka Yeman noloshii dadka noqoto mid aad u adag oo la waayo nolol maalmeedkii caadiga ah. Magaaladda caasimada ah ee Sanca waxaa maamulo kooxda Xuutiyiinta mana ka jirto wax shaqa ah oo ey dadku aadaan maalinti waxa kaliyah ey dadka degan caasimadda Sanca noloshoodu ku tiirsan tahay waa waxey maalintaas suuqa ka soo helaan,hadaba maalintii shalay oo Arbaca ahayd (19/4/23)-ka waxaa caasimadda Sanca ka dhacday dhibaato weyn ey dad ku dhinteen kuwa kalane ey ku dhaawacmeen ka dib markii ey is buurteen dad la siinaayey masaariifta ciida soon fureed,inta la xaqiijiyey iney dhimatay waa 78-qofood waxaane dhaawacantay boqolaal kale una badan dad danyar ah,ciidamada amaanka ee Xuutiyiinta kuna sugnaay goobta wax ka dheceen oo ahayd Dugsiga Maciin ee dhaw suuqa caanka ah ee BAAB AL-YEMAN waa ey awoodi waayeen iney badbaadiyaan dadkaas is buurtay.

ISHA WARKA AP.

HALKAAN KA SII AKHRI.