7,245-CARUURA AYAA KU NAAFOOBAY DAGAALKA YEMAN.
HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA YEMAN.
(QAAHIRA)-Qaramada Midoobay ayaa sheegtay maalintii Khamiist ahayd ee la soo dhaafay in ugu yaraan 3,774-caruur reer Yaman ah lagu dilay gudaha dalkaasi Yeman uu ka socdo dagaal sokeeye,tirakoobkaan ayaa la sameeyey inta u dhexeysay Maarso-2015-kii ilaa Sebtembar-1022-ka. Marka loo eego tirkoobkii ugu dambeeyey ey soo saartay Qaramada Midoobay xafiiskeeda qaabilsan caruurta(UNICEF) ayaa lagu xusay in ka badan 7,245-caruur ah ey ku naafoobeen dagaalka dalka Yeman,dagaalkan ayaa waxaa gadaal ka riixaayo dalka Iraan oo taageero kooxda Xuutiyiinta oo ka soo horjeedo xulafada uu hogaamiyo dalka Sacuudiga oo taageereyso dawladda sharciga ee dalka Yemen ee uu adduunka aqoonsan yahay.
ISHA WARKA AP.