SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

YAA KA DAMBEYEY DILKII CAALIMKII REER IIRAAN?

Wargays ku soo baxa luqadda Israa’aail ee Cibriga ayaa qoray in sirdoonka Israa’iil ee loo yaqaano(MOOSAAD) eey ugaarsanayeen caalimka reer Iraan Fakhrizadah tan iyo sannadkii 2008-dii, wargayska yaa sheegay in R/W-rihii hore ee Israa’iil Ihuud Almart uu ahay shaqsi si aad ah ugu dhaw madaxweynihii hore ee Maraykanka Joorji Buush(wiilka) waxa eeyna Moosaad ugaarsigeed si rasmi ah u bilawday April-2008-dii,waxa uuna R/W-almart u gudbiyey madaxweyne Buush cajalad laga duubay caalimka reer Iraan Fakhrizadah taasoo uu kaga hadlaayey sidii loo horumarin lahaay Nukliyaarka dalkaas iraan.

Sida uu kashifay wargayska” YADICOOL AXRONOOT” ee ku soo baxa luqadda Cibriga maanta oo Jimca ah sirdoonka Israa’iil Moosaad waxa uu horay u diyaariyey shirqoolkii lagu dili lahaay caalimka reer Iraan Fakhrizadah,waxaane caalimkaan la dilay jimcadii hore,wargayska ayan sheegay in Fakhrizadah ahaay qofka koowaad eey Moosaad raadinaysay taasoo soo bilaabatay sannadkii 2008-dii.

Fakhrizadah ayaa la dilay 27/11/2020-ka ka dib markii baabuurkii uu la socday lagu furay rasaas isaga oo maraayey meel u dhaw caasimadda dalka Iraan ee Tehraan,waxayne dawladda Iraan sheegtaY in dilka Fakhrizadah eey ka dambayso yuhuuda kana aargoosan doonaan waqtiga ku haboon,waxaane arrintaan ka dhashay in Maraykanka u diro markab dagaal bariga dhexe si uu gacan uga geeysto haddii eey dhacdo in Iraan ka aargoosato saaxibadda Maraykanka ee la deriska ah dalka Iraan. XIGASHO ALKHALEEJ ONLINE.

HALKAAN KA AKHRISO.