500-QOFOOD OO REER FALASTIIN AH OO HAL MEEL KU DHIMATAY.
(SAWIRKA)-MEYDADKA ISBITAALKA AL-AHLI EE GAZA.
(GAZA)-Sabti 7/10/2023-ka ayey markii ey Xarakada Xamaas ey weerar cagmarin ah ey ku qaaday ciidamadda Isra’iil ee ku sugan Marinka Gaza ey Isra’iil haysato,weerarka Xarakada Xamaas ayaa waxaa ka dhashay caro xoogan ey qaadeen masuuliyiinta Isra’iil ee gabay hawshooda waxa eyna weeraro is daba jooga ilaa maanta ku hayaan Marinka Gaza ey maamusho Xarakada Xamaas,hadaba weerarkii ey qaadeen ciidamadda cirka ee Isra’iil maanta oo Talaada ah(17/10/23)-ka ayaa lala beegsaday Isbitaalka AL-Ahli ee magaalada Gaza waxaane weerarkaan ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa 500-qofood oo ku sugnaay Isbitaalka AL-Ahli ee Gaza waa sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka ee xukuumadda Falastiin. Weerarkaan dhacay maanta ayaa ah kan ugu dhimashada badan tan iyo markii Isra’iil bilawday iney cirka ka weerarto Marinka Gaza,tirada guud ee ku dhimatay weerarada cirka ey fuliyaan ciidamada Israiil ayaa gaarayo ilaa 3-kun qofood.
ISHA/ARAB.