SUUDAAN OO LA WAREEGTAY BEERTII USAAMA BIN LAADIN.
Gudiga la dagaalanka musuq-maasuqa iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka Suudaan ayaa sheegay ineey la wareegeen beertii uu Suudaan ku lahaay hogaamiyihii la dilay ee ururka Alqaacidda Usaama Bin Laadin,gudiga ayaa waxa uu shaqada ka eryey sodon safiir oo Suudaan dibadda u fadhiyey,waxaa kaloo uu gudiga la wareegay dhul eey lahaayeen masuuliyiin ka tirtsan xukuumaddii uu hogaaminaayey Cumar Albashiir.
Ku xigeenka gudiga la dagaalanka musuq-maasuqa iyo kor u qaadida dhaqaalaha dalka Suudaan xubina ka ah golaha madax banaanida dawladda Suudaan Maxamed Alfaqi ayaa xaiijiyey in gudiga shaqadii ka eryey sodonka safiir loona gudbiyey wasaaradda arrimaha dibadda dalka Suudaan,sababta keentay in la eryo safiiradda sodonka ah ayaa lagu sheegay ineey tahay ineey xiriir lalahaayeen dawladdaii la riday ee uu higaaminaayey Albashiir. XIGASHO MEMO.