SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

4.5-MILYAN AYAA KU BARAKACDAY GUDAHA YEMAN.

(SAWIRKA)-BARAKACAAYSHA YEMAN.

(YEMAN)-Dalka Yeman waxa uu ka mid yahay wadamadda Carbeed ey ka jiraan dagaalo sokeeye iyo mid siyaasadeedba,Yeman ayaa hadda waxaa ka dhisan seddex hogaan siyaasadeed kalana degan Cadan iyo Sanca mid walba oo ka midane isaga ayaa isu haysto inuu yahay hogaanka saxda ah eyna tahay in looga dambeeyo hogaanka dalka Yeman. 2014-kii markii ey Xuutiyiintu xoog kula wareegeen magaaladda Caasimadda ah ee Sanca dileena Madaxweyne Cali Cabdalla Saalax ayuu dalka Yeman u kala go’ay laba qeybood oo kala ah Koonfur iyo Waqooyi siduu ahaan jiray ka hor inta aan dalku midoobin 22/5/1990-kii lana bixin magaca ah Jamhuuriya AL-Yeman. Dagaalka Xuutiyiinta ayaa sababay in shacab badan ka barakacaan guryahooda kuwaaso u badan Waqooyiga iyo Bartamaha dalka,waxaane la soo sheegaa in tirada barakacayasha gudaha dalka Yeman ey gaareyso 4.5-Milyan qofood una badan haween iyo caruur.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.