SUUQ-BACAAD MEDIA

View Original

2,500-MAXBUUS OO LA SII DAAYEY YEMAN.

XAFLADII SOO DHAWEYNTA MAXAABIISTA EE CADAN.

(CADAN)-Dalka Yeman waxaa weli ka socdo is dhaafsiga maxaabiista lagu kala qabsaday sideedii sano uu socday dagaalka dalka Yeman,dagaalkaan ayaa u dhexeeyey dawladda Caalamku aqoonsan yahay ee Yeman iyo kooxda Xuutiyiinta ey taageerto dawladda Iraan,dhinaca kale waxaa ayagana dagaalka qeyb ka ahaay isbahaysi uu hogaaminaayo Sacuudiga oo taageero siinaayey dawladda Yeman. Ka dib markii ey heshiiyeen dalalka Sacuudiga iyo Iraan waxaa isbedel muuqda uu ku yimid siyaasadda dalka Yeman waxaan Yeman ka hirgashay xabad joojin iyo maxaabiis isdhaafsi u dhexeyso dhinacyadii is dagaalay waxaane ilaa iyo hadda xabsiyadda laga sii daayey maxaabiis dhan 2,500-maxbuus kana kala tirsan dhinacyadii ku dagaalamay Yeman.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI