2022-KA OO NOQDAY SANNADKII UGU..
HOOYADA DHASHAY GAITH YAMIIN OO 16-JIR AH EY DILEEN CIIDAMADDA ISRAEL.
(BEIRUT)-Ciidamadda Israel ayaa waxa ey dileen Falastiiniyiin fara badan gudaha dhulka ey haystaan ee Daanta Galbeed sannadkaan 2022-ka ee dhammaadka ah,Falastiiniyiinta la dilay lana tiriyo sannad walba tan iyo markii ey soo bilaabatay Intifaadada 2-aad ayaa muujinayso in tirada la dilay sannadkaan-2022-ka tahay tan ugu dhimashada badan sida laga soo xigtay xogo uu keydiyey Wargayska Middle East Eye. Ugu yaraan 220-qofood oo reer Falastiin ah ayaa ku dhimatay weerarada ey ciidamadda Israel ey ka gaysteen guud ahaan dhulka reer Falastiin ey haystaan,dadka la dilay ayaa waxaa qeyb ka ah 48-caruur ah halka dhimashada guud tahay 167-qofood oo lagu dilay Daanta Galbeed,Bariga Qudus iyo Marinka Gaza oo iyagana lagu dilay 53-qofood oo reer Falastiin ah.
ISHA WARKA MEE.