20-SANO KA DIB AYAA LOO XUKUMAY LACAG DHAN $42-MILYAN.
(SAWIRKA)-TACADIYADII KA DHACAY XABSIGA ABU GUREYB/CIRAAQ.
(USA)-Xeerbeegtida Maraykanka ayaa maanta oo Talaada ah waxa ey seddex nin oo Ciraaqiyiin ah magdhaw u siisay lacag dhan Afartan iyo Laba Milyan oo Doolarka Maraykanka($42-M),ragaan Ciraaqiyiinta ah ayaa horay loogu xiray Ciraaq gudaheda looguna gaystay tacadiyo gudaha Xabsigii ey ku xirnaayeen ee la yiraahdo”Abu Gureyb”. Go’aanka ayaa maasuuliyadda dusha ka saaraayo shirkada Qandaraasla ahayd ee geysatay dhibka lana yiraahdo CACI INTERNATIONAL,shirkadaan ayaa door lixaad leh waxa ey ku leheed xadgudubka lagu sameeyey Maxaabiistii ku xirneed xabsiga caanka ah intii lagu guda jiray qabsashadii Maraykanka ee dalka Ciraaq 2003-dii ilaa 2004-tii. Xukunkan taariikhiga ah ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo qandaraasle rayid ah oo gaar loo leeyahay loo haysto tacadiyadii ka dhacay xabsiga caanka ah ee Ciraaq oo ka baxsan caasimadda Ciraaq ee Baqdaad. Go’aanka ayaa yimid ka dib markii xeerbeegtii hore ey ku guul dareysteen iney gaaraan go’aan taaso muujineyso ballan qaad cusub oo ku saabsan isla xisaabtanka kiis socday ku dhawaad labaatan sano. Markaan xeerbeegti ka kooban lix dumar ah iyo laba rag ah oo ka socday Maxkamada degmada Alexandria Gobolka Virginia ee dalka Maraykanka ayey dacwadaan ka qaadatay hal maalin iney ku gaaraan go’aanka.
ISHA-MEE.